Jowhar oo laga dareemayo qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle

PP- (Jowhar) Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe ahna xarunta KMG ah ee Hirshabelle ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabo balaaran oo ku saabsan doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi.

Doorashada oo lagu wado haddii alle idmo in ay dhacdo 16-ka Bishaan oo ku beegan maalinta sabtida ah ee soo socoto ayaa waxaa magaalada laga dareemayaa diyaar garoow balaaran.

Boorarka musharixiinta u tartameysa madaxtinimada maamulkaasi ayaa lagu dhajiyay wadooyinka magaalada Jowhar.

Amaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay iyada oo ciidamo badana lagu arkayo xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle ahna sii haya madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashada ay u dhici doonto qaab cadaalad ah Baarlamaanka Hirshabellena ay dooran doonaan Musharixii wax u qabanaya shacabka Hir Shabelle.

Hoos ka dhageyso warbixin Cowke uu arimahaasi ka diyaariyay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post