Ra’iisul wasaare Khayre oo ballan qaaday inuu mushaharkiisa 100 arday waxbarasho kaga bixinayo

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday inuu mushaharkiisa waxbarasho Jaamacadeed kaga bixin doono 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare ee ku yaal magaalada Baydhabo.

Arrintan ayaa timi kadib markii Xildhibaan Idiris Cabdi Mukhtar uu booqasho ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo uu kusoo arkay xaalad adag sidu sheegay.

Xildhibaanka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaruhu ballan qaaday inuu mushaharkiisa 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare ee Baydhabo uu kaga bixinayo waxbarasho Jaamacadeed.

Mudanaha ayaa intaas ku daray in deegaanada gobolka Baay ay ka jirto biyo la’aan xukuumadda ayuu tilmaamay inuu arrintaas kala hadlay, islamarkaana ay ballan qaadeen inay biyo dhaamis u samayn doonaan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa noqonaya Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyey oo ballan qaada inuu mushaharkiisa arday Soomaaliyeed waxbarasho kaga bixiyo.

PUNTLAND TODAY