Khudbadaha Musharixiinta Hirshabeelle oo maanta billaamaysa

Waxaa maanta oo Isniina magaalada Jowhar ka billaamaysa khudbahada Musharaxiinta u tartamaysa Madaxweynaha Hirshabeelle , waxayna kaga hadli doonaan taariikh nololeedkooda iyo waxay qabanayaan , waxaa la adkeeyey amaanka magaalada .

jowhar waxaa kusugan wafuud badan oo ka dhagaysan doonta khudbadaha Musharaxiinta , waxayna shacabku udiyaar garoobayaan dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Cabdullaahi Maxamed Cadow ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in maanta ay khudbadaha musharaxiinta billaamayso, isagoo intaa ku daray in musharax walba la siin doono wakhti ku filan.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha Hirshabeelle la qabto, wafuud kala duwan ayaana gaaraystay Jowhar iyo Musharaxiin doonaya xilka madaxweynaha.

PUNTLAND POST