FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qarax culus oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay, in ka badan 10 qof oo kalena way ku dhaawacmeen, kaddib Qarax gaari oo ka dhacay meel ku dhaw hoteelka Weheliye oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay goob ku dhaw hoteelka Weheliye, waxaana goobta uu ka dhacay Qaraxaan ku sugnaa dad aad u badan.

Afhayeenka Booliiska Gobolka Banaadir, Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa u sheegay warfidiyieenka in gaariga ay fashiliyeen cidanka Booliiska, uuna ka mid ahaa qaraxyaddii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca.

Sidoo kale, Afhayeenka Booliiska Somalia ayaa sheegay in khasaaraha uu yahay mid kooban, inkastoo warar madax-bannaan ay sheegayaan inay ku dhinteen Qarxan dad ka badan toddoba qof.

Inkastoo Qaraxan aysan jirin cid sheegatay ayaa haddana waxaa qaraxyada noocan oo kale ah inta badan sheegata Al-sahbaab oo dagaal kula jirta DFS iyo ciidamada gacanta siinaya ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa qarxyada joogta ka noqday Muqdisho ee ay geystaan kooxaha dowladda Somalia kasoo horjeeda waxaana dowladda lagu eedeeyaa inaysan waxba ka qaban karin qaraxyada soo laalaabtay ee Muqdisho ka dhaca.


PUNTLAND POST