Baabuur ay wateen kooxo dilal ka fulin jiray Degmada Dharkeynley oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa hawl-gal ay Maanta ka fuliyeen Degmada Dharkeenley waxay kusoo qabteen baabuur Noah ah iyo kooxihii watay oo maalmihii lasoo dhaafay falal isugu jira Weerarro iyo toogasho ka geysan jiray degmadaas.

Baabuurkan ayay wararku sheegayaan in saddex ruux lala soo qabtay, oo uu ku jiro darawalkii waday iyo labo nin oo kale oo iyagana toogashada fulin jirtay.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska harkeenley, Col. Maxamed Dahir ayaa sheegay in ciidanka amniga hawl-gal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigeen gaarigan oo muddo ay ku daba jireen.

“Gaarigan oo ahaa NOAH, muddo ayay ciidamada ku daba jireen – waana la baadi-goobay. Nnasiib wanaag maanta ayaa gacanta lagu soo dhigay, laamaha ammaanka ayaana baaritaan ku haya”ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkeenley.

Dhanka kale, Baabuurkan ayaa labadii casho ee lasoo dhaafay ka fuliyay Dharkeenley, weeraro ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo lagu qaaday gaari uu lahaa guddoomiye kuxigeenka Dharkeenley iyo gaari ay lahayd Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wararka Qaarkood ayaa sheegaya in gaarigan laga soo saaray guri ku yaal degmada Dharkeenley, waxaana laga helay Taargooyinka baabuurta oo lagu fulin jiray weerarada.

Saraakiisha amniga Dowlada Federaalka Somalia ayaa sheegaya in gaarigan ay rumeysan yihiin inuu lahaa sarkaal ka tirsan booliiska, kaasoo dhawaan lagu dilay deegaanka Garasbaaley, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay gaarigan horay u qaateen, iyagoo u adeegsanayay weeraro.

Ugu dambeyn, Gaariga iyo kooxaha lala qabtay ayaa lagu wadaa in loo soo bandhigo saxaafada, waxaana socda baaritaano wali ciidamada ammaanka ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Dharkeenley.

PUNTLAND POST