Wefti ka socda Wasaaradaha Caafimaadka dowaladda federaalka iyo maamulada oo Garowe yimi

Wefti ka socda wasaaradaha caafimaadka Dowladda federaalka iyo maamulada dalka ayaa maanta yimi Garowe, waxaana soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka iyo xubnaha Garowe yimi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedaha weftigan Garowe u yimaadeen ay tahay inay ka wada shqeeyaan qorshaha duumada sadexda sano ee soo socota.

Agaasimaha waaxda Duuumada Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdikariim Xuseen Xasan oo wefti kusoo dhaweeyey Garowe ayaa sheegay inay wada dejin doonaan qorshaha duumada lagu shaqaynayo sadex sano ee soo socota 2017 ilaa 2020.

Cali Cabdiraxman oo ah agaasimaha waaxda ka hortaga duumada wasaaradda Caafimaad ee Dowladda federaalka hogaaminayeyna weftiga ayaa sheegay in weftigu ka kooban yahay Wasaaradaha Caafimaadka Dowladda federaalka, maamulada Hirshabeellle , Koonfur galbeed iyo Jubbaland , muddo labo barri ah ayuu tilmaamay inay Garowe u joogi doonaan dejinta qorsha duumada sexda sano ee soocota oo ay iska kaashanayaan Dowladda federaalka , Maamulada iyo Ha’yadaha la shaqeeya.

Xanuunka duumada ama Malaryada ayaa ah xanuun inta badan sameeya dadka Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa hadda da daal ugu jirta sidii ka hortag loogu samayn laha waxyeeladeeda.

Sawirro.


PUNTLAND POST