Taliska Ciidanka Booliska Gobalka Bari oo soo bandhigay Maandooriye iyo Ragii watay

Bosaso-[Puntland Post] Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay waxayabaha maanka dooriya oo saaka lagu qabtay Kantaroolka xili la rabay in magaalada la soo galiyo, Ciidamada amaanka waxaa sidoo kalea  u suurtagashay soo qabashada shaqsiyaadkii waday Iyo kuwii ay u wadeen oo ku sugnaa gudaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo arintan ka hadlay waxa uu sheegay in maandooriyahan uu dhanyahay labo Kiilo islamarkaana ciidamada Kantaroolku ay soo qabteen ragii watay iyo kuwii loo wadayba waxana sidoo kale uga digay cidkasta oo ku hawlan soo galinta Mandooriyaha magaalada Boosaso in ay la kulmi doonaan ciqaab.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhado oo ku sugnaa madasha lagu soo bandhigayey maandooriyahan ayaa Amaan u soo jeediyey dhamaan laamaha Amaanka ,waxaana uu ku bogaadiyey shaqada ay hayaan.

Hawlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari islamarkaana lagu beegsanyo goobaha lagu tuhun sanyahay in lagu iibiyo waxayabaha Maanka dooriya ayaa socday malmihii la soo dhafay .

Cabdiqani Boos 

Puntland Post  Bosaso