MAQAAL: Mudane Madaxweyne Guuxa Shacabka Maqal

Ahmed Hundubey

International Banker/Financial Analysist – Calgary, Alberta. Canada

Hundubey.bashir@gmail.com

Tan iyo xiligii lagu doortay ee bishii Febraayo 8, 2017 shacabka Soomaaliyeed waxay ka dhursugayeen in ay arkaan isbedel maamul, kobcinta dhaqaalaha, iyo dowlad wanaag. Waayo waxay ku daaleen colaad, argagixiso diin xambaarsan iyo musuq maasuq. Waan garan karnaa in ay muddo kooban talada wadanku gacantaada ku rijtay. Laakiin marka la fiiriyo sida hada wax u socdaan waxaa soo baxaya ifafaale yaal aan shacabku ku qanacsaneyn.

Lama dhihi karo dowladaadu wax horumar ah kuma talaabsan. Waxaa horumar laga gaaray dhinaca nabadgelyada caasimada iyo nawaaxiga ku wareegsan. Waxaa laga hortegay abaaro dad iyo duunyo intaba xaalufinlahaa. Waxaa kale oo aan la iska indhotiri Karin xaalada dhaqaale, siyaasadeed, iyo nabadgelyo  ee wadanku ku sugnaa markii lagu doortay. Somalidu waxay ku mahmaahdaa “ NIN XIL QAADAY EED QAAD” waxaad u bareertay in aad howshaan dhabarka u dhigato. Hase ahaatee waxaa soo baxaya habacsanaan ku aadan horumar la’aanta ama wax qabadka hey’adaha dowliiga ah. Waxaan meesha ka muuqan yididiilooyinkii aad ku hamineysey xiligii aad tartanka ku jirtay oo haldhigoodu ahaa:

  • waxaan soo celinayaa Sharaftii Qaranka Soomaliyeed
  • waxaan ladagaalamayaa Musuq Maasuqa
  • waxaan dhisayaa Ciidamadii Qaranka Soomaliyeed.
  • Waxaan Kobcinayaa dhaqaalaha wadanka

Hadaan dib u milicsano qodobada aan  kor ku soo xusnay. Ma ahan suurtagal in aad mudo gaaban ku fulisid; laakiin waxaan ummada Somaliyeed u muuqan waayey ifafaale tusaya in aad dariiqaas ku socoto. Waxaad ogtahay in aad madax ka tahay dal dadkiisa samirkii ka dhamaaday iyadoo ay u dheertahay caafimaad xumo, shaqo la’aan iyo gaajo ay dhaxleen colaadihii soo maray.  Waxay sugeyeen dowlad wanaag, waxay dhowrayeen in aad sharaftii qarankooda soo celisid idigoo ka dheregsanaa in aad wajaheysid cadow badan oo iskugu jira midka gudaha ( maamulo is bar bar yaacaya, baarlamaan qabyaalad iyo laaluush lagu soo xulay, iyo shaqsiyaad raba in ay jeebabka buuxsadan) iyo cadowga dibada ( wadamada deriska, hey’adaha aan dowliga aheyn, iyo wadamada horey u maray) oo midkasta dana gaar ah wato. Waxaan wada ognahay in Wadama shisheeye ay la wareegeen kaabayaashii dhaqaale ee wadanka. Waxaa hortaada lugula wareegay labadii dekadood ee Bosasso iyo Babera. Waxaa ka sii horeysey dekadii Muqdisho iyo madaarkii Aadan Cade. Iyadoon midkoodna sharciga la waafajinin.

Waxaad ogtahay in aan ilaa maanta qofna loo soo xirin ama shaqada looga casilin musuq maasuq lagu so oogay. Waxaa intaas sii dheer, in la abaal mariyey kuwo badan oo mudooyin dheer lagu eedeynayey in ay boobeen dhulkii iyo hantidii shacabka, in ay musuq maasuqeen mushaarkii ciidanka, shaqaalaha iyo in ay si sharcidaro ah u iibsadeen maxabiis ku eedeysneyd falal argagixiso iyo dil. Waxaad afkaaga ka xiratay musuqmaasuqii barqo cad meel fagaare ah lagu qeybsaday hantidii shacabka reer Puntland . Waxaan oran karnaa waxaa weli meesha  ka maqan hey’adihii dowliga ahaa ee ka hortigi lahaa musuq maasuqaas  sida( hey’adii la dagaalanka boobka hantida qaran iyo hey’adihii cadaalada) oo ka howlgala wadanka gobaladiisa.

Sidaad horey u tibaaxday wadan qaranimadiisu ma dhameystirna inta uu ka helayo ciidan mideysan oo xuduudihiisa difaaca. Sidii aad balanqaaday, waxaan u fadhiney in aad u tafaxeydato sidii aad ciidan qaran u dhisi lahey. Dowlada Somalia waxey mushaar siisaa ciidan farbadan oo qabiil ku saleysan isla markaana aan laheyn hogaan mideysan. Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan ciidan lacag ka qaata safaarado iyo wadamo shisheeye oo khatar ku ah jiritaanka qaranida Somaaliyeed. Waxaa kale oo jira kuwo ka amar qaata dowladado iyo shirkado shesheeye oo lacag kuqaata tayeynta ciidanka xooga dalka Soomaliyeed.  Waan garan karnaa miisaanka caqabadaha ku hortaagan iyo kuwa kaa hor imaankara. Hase ahaatee ummada Somaaliyeed waxay kaaga fadhidaa dhabar adeyg iyo in aad la timaado siyaad cusub oo aad ku maareyseyso si aad u gaarto hadafkii laguu doortay.

Ugu dambeentii, waxaa dowladaada laga sugayey hanaan cusub oo siyaasadeed. Waxaadse moodaa in ay cagta saartay wadadii kuwii ka horeeyey ay mareen. Waxaa mudooyinkaan dambe soo baxayey is bar bar yaac, hadalo is burinaya, cadaalad daro laga tabanayo xafiisyada wadanka laga maamulo. Waxaa dowladii iyo hadafkeedii majara habaabiyey shaqsiyaad qabiil xambaarsan, kuwa aargoosi wata, iyo kuwa u soo shaqo tagey in ay maal ka cootaan. Taas waxay horseeday, in la ilaawo hadafkii horumarinta dhaqaalaha (kobcintii beeraha, kaluumeysiga iyo warshadaha yar yar ) si loo helo isku filnaasho dhaqaale iyo nolol.

Waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa, wali lagama quusan in la gaaro himilooyinka aan higsaneyno, laakin waxay u baahan tahay in dowladaadu la timaado maskax furan oo ay ku wajahdo arimaha horyaala iyo caqabadaha ka hortaagan. Mudane Madaxweyne, waa adiga cida shacabka Soomaliyeed ay doorteen. Waxaa la filayey in aad waqtigaan soo booqato dowlad goboleedyada kala duwan, in aad soo dhageysato guuxa shacabka, waxgaratka iyo ganacsatada.  in aad talooyin ka doontid aqoonyahnada ku kala baahsan addunyada daafaheeda kala duwan. Waxaa la sugayey in aad caleen qoyan u fidiso shacabka reer Soomaliland iyo dowladooda oo gooni isku taagay. Waxaan garan karnaa in aysan aheyn arin sahlan laakin waxay u baahantahy in xal loo helo. Shacabka Soomaaliyeed waxaa deeqa cadaalad iyo dowlad wanaag.

Nolo iyo Nabadgalyo.