Faah-Faahin Qarax khasaare geeystay oo ka dhacay Baledweyne

Inta la Xaqiijiyey 5 qof ayaa geeriyootay, halka in ka badan 15 ruux waa ay dhaawacantay kadib qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magalaada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qarax ayaa ka dhacay Maqaayad Shaaha lagu cabo oo ku taalo Afaafka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey isku duwaha wasaarada Caafimaadka ahna Agaasimaha Guud ee isbitaalka Beledweyne Dr Axmed Maxamed Khaliif.

Nin isku soo xirey Waxyaabaha Qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta maamulka magaaladda Beledweyne ee  Gobolka Hiiraan, oo xiligaas aheyd mid aad u mashquul badan.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaaladda Beledweyne.

 

PUNTLAND POST