Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo maanta ka doodaya go’aankii lagu dhiibay C/kariin Qalbi-dhagax

Muqdisho (PP) ─ Maanta ayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka doodi doonaan go’aankii lxidii bishan kasoo baxay golaha wasiiradda Somalia ee lagu dhiibay C/kariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax].

Xildhibaanada Somalia ayaa arrintan si weyn ugu kala ra’yi duwan, waxaana qeyb ka mid ah xildhibaanadu ay taageersan yihiin go’aanka xukuumadda oo ay sheegeen inay ahayd tallaabo sax ah halka kuwa kale ee ka soo horjeeda ra’yigaasna ay go’aanka Golaha Wasiirada ku tilmaameen inuu ahaa qiyaano Qaran.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa yeelanaya kulankoodii ugu horreeyay tan iyo fasaxii ciidda, waxaana lagu wadaa in dood kulul ay dhex mari doonto iyadoo dhinac walba uu soo bandhigi doono dooddiisa.

Maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Wasiirada DF ay si aqlabiyad ah ku go’aansadeen in dhiibistii C/kariin sh. Muuse [Qalbi-dhagax uu ahaa mid loo maray sharciga.

Wasiirka Warfaafinta Somalia, Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qalbi Dhagax uu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab uuna ka tirsanaa ururuka ONLF.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada DF waxay sheegeen in Qalbi-dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa falal lidi ku ah ammaanka Somalia iyo Itoobiya isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.

PUNTLAND POST