Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo xustay maalinta akhriska iyo Qoraalka

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta dhigtay munaasabad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee Akhris-Qorista aduunka, taasoo sanad walba ku beegan sideeda bisha September, balse shalay oo ahayd maalin jimco ah ayaa loo baajiyay.

Xuskaan ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda waxbarashada iyo hay’addaha bahwadaagta la ah, waxaana kasoo qeyb galay madaxda wasaaradda waxbarashada, wakiilada hay’addaha ka shaqeeya waxbarashada iyo marti sharaf kale oo badan.

Agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee Puntland Malyuun Xuseen Jaamac, ayaa sheegtay Akhriska iyo Qoristu inay yihiin furaha waxbarashaada, sidaas darted loo baahan yahay in xoog badan lagu bixiyo harumarinta waxbarashada Dadban. “Maanta hal ku dhigeenu wuxuu yahay, qof kasta in uu wax akhriyo waxna qoro, uuna qaabeysto mustaqbalkiisa. Waxaynu wax iska weydiindoonoo heerka ay marayso waxbarashada Dadban ee Puntland iyo sida lagusii horumarin karo” ayay tiri Malyuun oo ka hadlaysay munaasabada lagu xusayay maalintaan.

Madaxa mashaariicda Relief international Maxmed Jaamac Geele, oo ku hadlayay afka hay’addihii xaflada kasoo qeyb galay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in kor loo qaado wacyi galinta wax akhriska iyo qoraalka, wuxuuna cadeeyay hay’addaha bah wadaagta la ah wasaaradda waxbarashada inay kaalin muuqda kaga jiraan taageerada horumarinta waxbarashada Puntland.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax ayaa sheegay muhiimada loo xusayo maalintaan, inay tahay in dadka lagu wacyi geliyo inay wax akhriyaan, waxna qoraan, si loo ciribtiro jahliga qabyaaladu ugu horeyso ee ku habsaday ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare dowladda Puntland Abshir Yuusf Ciise ayaa sheegay wax akhrisku iyo Qoristu inay tahay waxyaabaha keena inuu qofku horumar ka gaaro nolashiisa, sidaas daraadeed wuxuu cadeeyay inay muhiim tahay in la dhiiri geliyo sidii dadka loogusoo jeedin lahaa inay u dareeraan goobaha lagu barto waxbarashada Dadban.

“Qofku marka uu wax akhriyo waxna qoro wuxuu garan karaa xuquuqda aasaasiga ah ee ka maqan nuuc kasta oo ay tahay, hadey ahaan lahayd xaqa dastuuriga ah ee uu leeyahay,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

“Hooyada aqoonta leh marka uu ilmaheeda ka xanuusado way garan kartaa sida loo hayo wiilkeeda iyo meesha uu caafimaadkiisa ku jiro, laakiin hooyada aan waxna akhrin, sidoo kale waxna aan qorin waxay aamintaa wax kasta oo dadku ku yiraahdaan,” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirku.

Sawirro.


PUNTLAND POST