Shir loo hadlayey hirgelinta siyaasadaha shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Garoowe kusoo xirmay

Shirkii looga arrinsanayey dejinta siyaasadaha shanta ah ee kala ahaa Siyaasadda haynta iyo xafididda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Staff Retention Policy, Siyaasadda Hawl-gab ka Pension Policy, Siyaasadda kobcinta iyo horumarinta shaqaalaha Career Development Policy,Siyaasadda Hab-dhaqanka Shaqaalaha rayidka ah Civil Service Code of Conduct iyo Siyaasadda ku haboonaanshaha Shaqada Competency Framework Policy ayaa kusoo geba geboobey is afgarad iyo natiijo wanaagsan.

Shirka ayaa muddadii uu socdey waxaa si adag looga doodey dhammaan siyaasadahaan kor ku xusan iyadoo si cad loo iftiiminayo natiijada ka dhalan karta ee la doonayo in lagu dabakho shaqaalaha rayidka ah ee dawladda.

Dhammaan siyaasadahaan saldhiggoodu waxa uu yahay sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda, tusaale ahaan qofka shaqaalaha ahi haddii uu hawl-gab noqdo waxaa uu yeelan doonaa xuquuq cad taasna waxa ay ku caddahay siyaasadda Pension Policy.

Gebogebadii shirka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Cabdiraxmaan Shiikh Axmed iyo Wasiirka Caddaaladda Saalax Xabiib Jaamac ayaa  waxaa laysla qaatay dhammaan siyaasadahaasi waxaana laysla qaatay in la horgeeyo golaha xukuumadda si loo ansixiyo isla markaana loogu gudbiyo golaha wakiilladda iyadaa markaa wixii ka dambeeyana si dhab ah loo dhaqan gelin doono.

Dawladda Puntland ee uu hoggaamey Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ballan qaaday inay dib u habayn iyo tirokoob rasmi ah ku samayn doonto shaqaalaha rayidka ah ee dawladda taas oo noqotay mid laga miro dhaliyey.