Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia oo ka hadlay heshiis la sheegay in Xukuumadiisii ay la gashay Itoobiya


Muqdisho (PP) ─
Ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa beeniyay in Dowladdii hore ee uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa ay Itoobiya la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

Sharma’arke oo u waramayay VOA-da ayaa si qoto dheer uga hadlay heshiis xukumadii uu hoggaamin jiray la sheegay inay la gashay Dowladda Itoobiya oo dhawaan lagu wareejiyay Qalbi-dhagax.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuusan jirin heshiis heer faderaal ah oo ay la galeen dowladda Itoobiya, balse uu jiray keliya heshiis ku saabsanaa dhibaato ka taagneyd soohdinta Galmudug iyo Dowlad degaanka Somalia ee dalka Itoobiya .

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia ayaa tilmaamay in daliisha ay la imaaday Xukuumada Soomaaliya aysan ka aqbali doonin maadaama sharcigaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah.

Sharma’are ayaa sheegay in arrin khaldan ay tahay in muwaadinkaasi loo gacan-galiyo dowlado shisheeye maadaama aanu jirin heshiis dhigaaya in labada dal ay is weydaarsadaan maxaabiista, markii laga soo tago heshiiska uu ku tilmaamay been abuurka ee lasoo bandhigay.

Mudane Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Dastuurka la jabiyay, haddii uu yahay Xildhibaan Aqalka Sare ka tirsana uu arintaasi wax ka qaban doono, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dmabeyn, Haddalka Sharma’arke ayaa imaanaya xilli uu cirka isku shareeray barnaamijka C/kariin Qalbi-dhagax oo ka tirsanaa ONLF loogu gacan-geliyay Itoobiya.

DHAGEYSO WAREYSIGII SHARMA’ARKE UU SIIYAY IDAACADDA VOA-DA;

 

PUNTLAND POST