Kulankii Baarlamaanka ee looga hadli lahaa dhiibistii Qalbi-dhagax oo u baaqday kooram la’aan

Muqdisho (PP) ─ Kulankii baarlamaanka Federaalka Somalia ee lagu waday in maanta looga hadlo arrinta C/kariin Qalbi-dhagax ayaa kooram la’aan u baaqday, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka ay soo xaadiri waayeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday, isla markaana uu kooramka uu buuxsami waayay.

Prof. Jawaari ayaa aad uga carooday in kulanka uu kooram la’aan u furmi waayo, waxaana uu digniin u diray xildhibananada xarunta yimid ee aan saxiixin buugga diiwaan-gelinta.

Sidoo kale, Baaqashada kulanka ayaa saameyn ku yeeshay Xirnaanshaha waddooyinka oo saaka la soo dhoobay ciidamo isugu jira boolis iyo millateri. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo horjeeda go’aanka Xukuumadda ayaa ku doodaya in arrintan ay aheyd qorshe ku tala gal ah oo looga gol lahaa in lagu baajiyo kulanka.

Dhanka kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in baaqashada kulankaan ay tahay qorshe Xukuumadda wadatay, si kulanka maanta aanu u qabsoomin, isla markaana loo helo fursad ololaha lagu sii wado, si loo kala fur-furo Xildhibaanada ka soo hor-jeeda go’aanka Xukuumadda.

Ugu dambeyn, Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa u muuqda inay arrintan Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee loo gacan geliyay Itoobiya isku khilaafsan yihiin, waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay dhaliso doodo adag oo uu Baarlamaanku ku kala qeybsamo.

PUNTLAND POST