Gudoomiye Jawaari” oo digniin u diray Xubno ka mid ah Golaha Shacabka

Muqdisho-[Puntland Post]-Maanta waxaa la filayay in kulanka Golaha Shacabka soomaaliya uu dib u furmo kadi fasixii ay ku maqnaayeen Xubnaha Baarlamaanka balse uu baaqday sabaabo la xiriira Kooram la’aan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”  sheegay in aan loo dulqaadan doonin in la baajiyo Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya ,islamarkaana xildhibaanada intay yimaadaan Xarunta Golaha Shacabka oo aysan sameyn wax saxiix ah.

Waxaa uu sheegay in maanta kulanka  Baarlamaanka ay soo xaadireen 104 Xildhibaan oo kaliya.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post