Duufaanta Irma oo xilligan gaartay Jasiiradda Cuba – halkaasoo ay ka jirto baqdin weyn


Havana (PP) ─ Duufaanta Irma oo xawaare sare ku socota ayaa Jasiirada Cuba soo gaartay, kaddib markii ay burbur lixaad leh ka soo gaysatay Guud jasiiradaha Caribbean-ka loo yaqaan.

Duufaanta Irma oo wadata dabeylo culus iyo roob mahiigaan ah ayaa xilligan faro kulul ku haysa Cuba, xilli ay duufaantu ka soo gudbayso Waqooyiga jasiiraddaas, oo ay ku yaallaan Caribbean-ka.

Sidoo kale, Duufaantan oo heerkeeda lagu qiyaasay heerka shanaad ayaa soo caga-dhigatay deegaanka Camaguey Archipelago ee xeebta waqooyi bari ee dalkaas.

Hase yeeshee Jasiiradda Bahamas ayaanay inta badan wax yeelo gaarin kaddib markii ay duufaantu ka yara weecatay.

Mas’uuliyiinta Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa haatan waxay u sheegeen 5.6-milyan oo qof inay isaga tagaan guryahooda maadaama ay halkaas ku soo wajahan tahay duufaanta Irma, tiradan ayaa ah afar meelood oo meel dadka ku nool gobolkaasi.

Dadka ku nool koonfurta Florida iyo kuwa ku nool dhulka ka fog xeebaha ee guryihiisa aanay wanaagsanayn ayaa loo sheegay inay aadaan goobaha ammaanka ah.

Kooxaha saadaasha hawada ayaa saadaaliyay in duufaantu ay soo xoogaysan doonto ka hor inta aanay halkaasi ku dhufan wax ka yar 24 saacadood.

Ugu dambeyn, Ugu yaraan 20-qof ayaa inta la ogyahay ilaa haatan ay ku disha duufaantani Jasiiradaha isku xiran ee Caribbean-ka.

PUNTLAND POST