Garowe oo laga dhagax dhigay dhismaha xarunta bangiga dhexe ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda DPL, iyo Masuuliyiin ka socday DFS ayaa dhagax dhigay dhismaha Laanta Bankiga dhexe ee Soomaliya uu ku yeelanayo Puntland, Waxaana dhismaha xaruntan cusub oo uu maalgelinayo Bankiga dhexe ee dalka laga dhisidoono Gudaha Bankiga magaalada Garowe.

Munaasabad kooban oo loo qabtay dhax-dhiga dhismahan cusub ee loo dhisi doono Laanta bankiga dhexe ee dalku uu kuyeelanayo Puntland, ayaa waxaa goob-joog ahaa Wasiirka Maaliaydda DPL, Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliya, Gudoomiyaha Bankiga DPL, iyo masuuliyiin iyo saraakiil kale oo kakala socotay Puntland iyo DFS.

Cawil Aadan Maxamuud oo ah Agaasimaha qaybta lacagta ee Bankiga dhexe ee Soomaliya iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed ahna madaxa hogaanka dhismaha ee Taliska Booliska gen.Bashiir Cabdi Ameriko oo ugu horeyn goobta hadalo kaso jeediyey ka warbixiyey qaybaha uu ka koobnaan doono Xaruntan la dhagax dhigay ee Bankiga dhexe ee dalku uu ku yeelanayo Puntland.

Gudoomiyaha Bankiga DPL Mudane C/ Ismaaciil Boos ayaa tilmaamay in dhismaha xaruntan cusub mudo labo bilood gudahood lafilayo in lagu soo gabagabeeyo maadama dalka dhawaan lacag cusub loo soo samayn doono.

Wasiirka Maaliaydda DPL Mudane C/lahi Siciid Caarshe ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Bankiga dhexe ee dalka uu xarun ku yeesho Puntland, isagoo tilmaamay in marka la dhameystiro dhismahaloogu adeegi doono dhamaan umadda Soomaliyed.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST