Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay wefti ka socda Bangiga Adduunka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo madaxa geeska Afrika u qaabilsan Bangiga adduunka Bella Bird ayaa maanta kullan kuwada qaatay magaalada Muqdisho , waxayna kawada hadleen arrimo ku saabsan , shaqaalaysiinta dhalinyarada , abuurista fursado shaqo iyo in loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo aqoontooda.

Labada Masuul ayaa isla soo qaaday sidii kor loogu sii qaadi lahaa xiriirka Bangiga adduunka iyo dowladda Soomaaliya si loo dar dagaliyo barnaamijyada ay soomaaliya ka fuliyaan Ha’yadaha Bangiga adduunku.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdulllaahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa warfidiyeenka u faah faahiyey kullanka ay labada masuul ay wada qateen , isagoo sheegay in looga hadlay qodobo muhiima oo kamid ahaayeen sidii bangigu adduunku uga qayb qaadan lahaa gar gaarka Shacabka Soomaaliyeed, iyo dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo.

Bangiga adduunka ayaa horay Soomaaliya usiiyey barnaamijyo lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda iyo kuwa fursado shaqo loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Halkan ka Dhagayso Codka

PUNTLAND POST

XASAN BASHE