Puntland oo ga’aan kasoo saartay lacagta Sh. Soomaliga

Waxaa maanta shir isugu yimi wasaaradda Maaliyadda , Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Puntland, wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno kasocday bangiyada dowladda, waxaa shirka looga hadlay kala sooca Shillin Soomaaliga, oo waayadan jahawareer lacagta Sh. Soomaaliga ah ka taagna magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Shirka ayaa laga soo saaray in guud ahaan la qaato lacagta sh Soomaaliga, waxaana la sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii kala soocda Sh.Soomaaliga.

Halkan ka akhriso qodobada


Waa kuwan qodobadii Shirka laga soo saaray

1:Lacagta Sh Soomaaligu waa astaan Qaran , dalkastana astaantiisa Qaran waa lacagtiisa , Puntland kama duwan ciddii ka hor timaadana waa Qaran dumis.

2: Dowladda Puntland lacagta Sh. So. waxay ku qaadaa Canshuurta waxayna ku bixisa Musharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dowladda.

3: Shacabka reer Puntland waxaa laga doonaya in ay lacagta Sh Soomaaliga ah qaataan, iyagoo aan kala gurin, sarrif kala duwana looma samayn karo , arrintaas oo aan diin ahaan banaanayn ( Ribo).

4 Ha’yadaha dowladda ee fulinta shaqadan qaybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibkooda shaqo ka gutaan

Waxaa ku saxiixan Wasiirka W/Maaliyadda iyo Guddi. Bangiyada dowladda P/Land
Cabdullaahi Siciid Carshe.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE