Gal-mudug oo ka hadashay xarigga weriye Rooble

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug ayaa ka hadlay xarigga weriye Rooble Maxamed Dirir oo ku xirna dalka Jabuuti muddo 2 sano ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Gal-mudug Cabdiraxmaan Jaamac Afrax oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay kugudo jiraan sidii loo sii dayn lahaa weriye Rooble Maxamed Dirir, islamarkaana dowladda federaalka la kaashan doonaan.

Rooble Maxamed Dirir ayaa kamid ahaa weriyaasha ka howlgali jiray magaalada Gaalkacyo , muddo 2 sano ah ayuu ku xiran yahay dalk Jabuuti, waxaana sida la sheegay marka la qabanayey uu deeq waxbarasho ugu socday dalka Ruushka.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE