Daawo Go’aamadii Puntland kasoo saartay Sh. Soomaaliga

Halkan waxaa idiin kusoo gud binayna muuqaalkii shirkii maanta ay isugu yimaadeen Wasiiradda , wasaaradaha Maaliyadda , Arrimaha gudaha iyo bangiga dowladda, oo ay uga hadlayeen kala sooca Sh. Soomaaliga .

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa warbaahinta u akhriyey qodobada ay kasoo saareen Sh.Soomaaliga, sidoo kale waxaa qodobadaas ku ayiday gudoomiyaha bangiga dhexe ee dowladda.

Caddullaahi Cali Ciise Tima-cadde Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay inuu daawaday Gudoomiyayaal degmooyin oo ka hadlaya kala sooca lacagta, taasna uu ku tilmaamay mid aan ahayn shaqadooda, isagoo xusay in wasaaradda Maaliyadda iyo bangigu ay masuul dowladda uga yihiin lacagaha loogana dambeeyo.

Halkan ka daawo Muuqaalka .

Sawirro.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE