Xaafadda Laanta Israac oo eedeysay Duqa magaalada Gaalkacyo

Najmo Abshir oo ka mid ah guddiga xaafadda laanta israac ee magaalada Gaalkacyo oo xiriir  lasoo samaysay xafiiska Garowe Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa gudbisay cabasho ka dhan ah maamulka Dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo ka dib markey ku eedeysay inuu fashiliyay qorshe isku tashi ahaa oo dadka xaafada degan ku samaysteen dhismaha xarun center ah .

Waxay sheegtay Najmo Abshir in shaqsi aan matali karin dadka xaafadda uu usoo magacaabay  Duqa magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yasiin Axmed (Tumey) islamarkaana uu fashil ku yimid qorshihii ay ku doonayeen inay Xaafadda ugu sameeyaan xarun Center ah oo ay sheegtay inay ku bixiyeen bulshada ku nool Xaafadaas dhaqaale.

Cabashada ka imaanaysa bulshada ku nool qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo ayaa baaq loogu jeediyay Xukuumadda Puntland, Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan Dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo.

Dhageyso Najmo Abshir.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST