Nabadoon Axmed Cumar Kaatuun oo maanta lagu caleemo saarey Garowe

Xafladda Caleemo-saarka Nabadoon Axmed Cumar Kaatun oo kusoo biiray duubabka dhaqanka Puntland gaar ahaan Gobolka Nugaal ayaa maanta ka dhacday meherad ku taala durdurka Darayle oo lagu magacaabo Darayle Resort Centre islamarkaana waxyar u jira Caasimada Dawladda Puntlnd ee Garowe

Waxaa ka qaybgalay xaflada caleemo saarka Nabadoon Axmed Cumar Kaatuun qaar ka mid ah Isimadda dhaqanka Puntlnd sida Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxmed Garaase, Nabadoonada Gobolka Nugaal, Xildhibaano, Wasiiro iyo marti kale oo badan oo Xafladda lagu Casumay.

Dhammaan Isimadii,Nabadoonnadii,Waxgaradkii iyo Marti sharaftii lagu casumay xafladda ayaa si isku-mid ah usoo dhoweeyey caleemo saarka Nabadoon Axmed Cumar oo maanta kusoo biiray Nabadoonnada Gobolka Nugaal iyo kuwa Puntland.

Nabadoonka cusub ayay kula dardaarmeen dhamaan intii ka hadashay madasha caleemo saarkiisa inuu sida la rabo u guto waajibaadka loo doortay, waxayna Alle uga baryeen inuu u fududeeyo xilka ummadda loogu dhiibay.

Nabadoon Axmed Cumar Kaatuun oo ka hadlay gebo-gabadii xafladda lagu caleemo saaray ayaa ballan qaaday inuu si daacad ah ummadda ugu adeegi doono isagooona codsaday in lagu caawiyo xilka loo dhiibay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST