Qalbi-dhagax: Baroortu orgiga ka wayn – Maqaal

Niman ayaa waxay damceen inay Dhoodaan arrin ka dhaadhiciyeen, (Allaah ha u wada naxariistee) isagana waxaa u muuqday waxaa ay sheegayeen wax ka geddisan, kolkaas ayaa wuxuu ku yidhi:

Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay

Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane

Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye.

Tan iyo markii la sheegay in Qalbi-dhagax ay gacanta ku dhigeen ciidamada liyuuga ah ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya, waxaa baraha bulshada ka aloosmay sawaxan ay wadeen saddex kooxood:

Qolada koowaad ee sawaxankaa hoggaaminaysaa waa siyaasiyiin ka duulaya meel aan u roorayey roob ma igu helay, kuwaas oo boos ka la’aa dawladda soomaaliya, waxayna shacabka u tuseen in madaxwayne Farmaajo uu galay khiyaamo qaran. Waxaa kale oo ay shacabka isaga dhigeen inay jecel yihiin midnimada soomaaliyeed ayna ka xun yihiin qabashada Qalbi-dhagax!!!

Gabadh ayaa wiil ay aad u jeclayd geeridiisii loosoo sheegay, isla galabtiina waxaa waraabe cunay orgi ay lahaayeen. Galabtaas iyo fiidkii oo dhan ayey barooranaysay iyadoo ka xumaatay geerida ku timid wiilkii ay jeclayd, laakiin waxay ka xishootay oo afkeeda ka dhowrsaysay inay wiilka sheeg-sheegto, waxayna ku barooranaysay inay reerkoodu hoogeen oo ba’een maadaama ay waayeen orgigii qiimaha badnaa ee reerku uu lahaa, kaas oo aan la helaynin isaga oo kale!

Odaygii aabaheed ahaa oo aad ula yaabban sida gabadhu ugu ooyeyso orgiga, iyadoon weligeed u baroorannin xoolo badan oo orgigaas ka qiimo badnaa ayaa wuxuu yidhi: Cajab, wallee baroortu orgiga ka wayn.

Haddaad u fiirsato nimankaa durbaanka aan jirin garaacaya ee danaha kale leh, waxaa la odhan karaa baroortoodu waxay baro dheertahay gabadhaas, waxayna la mid yihiin yaxaaska la sheegay inuu ilmada qubo marka uu helo ugaadh dagan.

Qolada labaad waa kuwo iyaguna qiiq isku qarinayaa oo mar walba jecel dhibaatada deegaanka soomaalida Itoobiya.

Kooxdani, cidna dan uma hayso. Ninkan la sheegayana dan uma hayaan, dawladda la eedaynayana dan kama laha ee waxay is tuseen in maamullada deegaannadooda ka dhisan oo xidhiidh la leh Itoobiya ayna wanaag helaynin haddii nabad-gelyo ka dhalato gobolka soomaalida Itoobiya. Waxayna maanta ka xumaadeen in taariikhda ONLF lasoo af-jaray. Taas ayaana keenaysa inay ninkan buun-buniyaan oo iska dhigaan wax ka naxaya ama wada dan soomaali wayn!

Hadda ka hor, ayaa goor la dhegaysanayo idaacaddii BBC-da, laanteeda afka soomaaliga, ayaa waxaa idaacadda ka hadlay nin laga waraysanayey oo joogay magaalada Muqdisho, ninkaas oo sheeganayay inuu ku dhawaaqayo samaynta jabhad cusub oo u dagaallami doonta xoraynta dhulka soomaaliyeed ee loo yaqaanno Ogaden, jabhaddaas oo la dagaallami doonta dowladda Itoobiya.

Maalmahaasna waxaa dowladda Itoobiya heshiis la galay garab ka mid ah jabhadda ONLF, waxaana aad loo hadal hayey in garabka kale ee hadhay laftigiisu uu wada hadal kula jiro xukuumadda Itoobiya.

Kolkii lasii baadh-baadhay ninka maanta ku dhawaaqaya jabhadda cusub iyada oo jabhadihii horeba ay heshiis raadinayaan, ayaa waxaaba soo baxday inayna ka ahayn inuu xoraynayo dhulkaas, uuna ka tirsan yahay maamul goboleed heshiis adag la leh dowladda Itoobiya!

Waxaa la ogyahay in dad badan oo sida ninkaas oo kale ahi ku hamminayaan, iyada oo wax ay ka faa’iidayaan ayna jirin in gobolka soomaalida Itoobiya ay weligii colaadi ka taagnaato. Arrinkaasina waa mid laga gudbay.

Qolada saddexaad waa shacab la majara-habaabiyey oo iska raacay durbaanka beenta ah ee ay labada kooxood ee hore u garaaceen.

Asxaabtan, waxaan odhan lahaa inay ogaadaan in laba dawladood ay yeelan karaan heshiis uu dhinac waliba u arko inay dani ugu jirto. Dawladahaasi ha noqdaan kuwo isku Diin ah ama kala Diin ah.

Heshiiskaana waxaa soo geli kara inay maxaabiis isu celiyaan ama in qolo waliba qolada kale usoo gacan geliso ciddii khatar ku ah ammaanka deriskeeda. Ama qolo waliba shardi iyada khaas u ah ayey la dhigan kartaa dowladda kale.

Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa heshiiskii uu Rasuulku, sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu la galay Qureysh.

Iyada oo lagu guda jiro heshiiskii sulxul-xudaybiya, qodabbada lagu heshiiyeyna uu ka mid ahaa inay muslimiintu soo celinayaan qofkii soo islaama oo kasoo baxa dhinaca Quraysh ayaa waxaa madashii heshiiska soo gaadhay wiil uu dhalay Suheyl, duqii Qureysh wakiilka uga ahaa heshiiska.

Duqu wuu ka naxay wiilka, wuxuuna bilaabay inuu jiidanayo oo uu kaxaysanayo, wiilkuna wuxuu ku dhawaaqayey af- labadii, isaga oo leh:
Muslimiineey, ma waxaad ii celinaysaan Qureysh si ay Diinkayga iiga fidneeyaan!!!? Rasuulkuna, sallaa Allaahu calayhi wa sallam, wuxuu ku lahaa:
“Abaa Jundulow, sabir oo Allaah Agtiisa ajar kuu yaalla xisaabso, adiga iyo kuwa la daciifsado ee kula joogana wuxuu Allaah u yeeli doonaa faraj iyo meel ay ka baxaan. Annaga iyo reerkiinna (Qureysh) waannu heshiinnay, ballanna waannu qaadnay, iyana ballan ayey naga qaadeen, mana dhagrayno (ma khiyaamayno) ballankii aannu galnay”

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah, in asxaabeey aan ogaanno in Islaamku inoo oggol yahay in laba arrimood hadday kula gudboonaadaan la qaadanayo midka sahlan.

Meelo badan waxaan ka aqrinayey in Madaxwaynahan loo doortay inuu soomaali mideeyo! Intee in le’eg ayuu isagu soomaali midayn karaa? Mise dadka qaar waxay midayntaa u fahmeen ama ay filayeen inuu Itoobiya ku qaado dagaal la mid ah midkii 1977-dii?

Waxaa kale oo is-waydiin u baahan, waxaan ognahay in gobollada soomaaliyeed oo dhan maamulada ka jiraa ay Itoobiya heshiis la yihiin, haddaba Qalbi-dhagax iyo ururkiisu miyeyna ogayn arrinkaa. Maxayse kaga geddisan yihiin soomaalidii walaaladii ahayd ee uu hadh iyo habeen ku laynayey waxaad la shaqaysataan Itoobiya

Haddiise, siyaasiyiinta danaha kale wataa ay ninkan ka dhigeen wax uusan ahayn waxaad ogaataan inuu  ninkani dhibaato ku hayey dadkiisii ugu dhawaa oo dhibka ay isaga iyo jabhaddiisa kala kulmeen ayna waligood la kulmin. Dhibaatadaas oo aanan halkan kusoo koobi arin, waxaa ka mid ahaa dil, dhac, boob iwm. Intii ururkooda la baab’iyeyna roob nabad ah ayaa u da’ay.

Qalbi-dhagaxna, haddiiba isaga oo nool la qabtay, waxaan ku rajo waynahay inaad dhawaan arki doontaan isaga oo kor iyo hoosba u odhaan doona inuu qaldanaa iyo inuu hadda wixii ka danbeeya nabadda taageerayo.

Wuxuuna calaamad u noqonayaa, in ururkiisii shacabka dhibkiisa u taagnaa maanta lasoo af jaray oo Dhedo roob noqon wayday.

Abdirahman Sheikh Bihi

bihiabdi@gmail.com