Hay,adda Somali Relief Network of North America oo 100 neef oo Udxiya u bireysay qoysas danyar ah

Hay,adda SOMALI RELIEF NETWORK OF NORTH AMERICA oo uu madax ka yahay Dr Aadan Ciise Maxamed (Gaadaale) ayaa 400 oo qoys oo isku celcelis tiradoodu gaareyso ilaa 3,000 oo qof  u qashay munaasabada Ciidul Axda 100 neef oo ari ah.

Hay,adda Somali Relief Network Of North America oo saldhigeedu yahay dalka Kanada  ayaa hilibka Udxiyada u qeybisay qoysas danyar ah oo ku kala nool magaalooyinka Eyl,Qarxis iyo Garowe.

Hay’adda Somali Relief Network  waa hay,add kusoo caan baxday u gar-gaaridda dadka dhibban iyo kuwa danyarta ah ee ku nool caalamka, gaar ahaana Dalka Soomaaliya sida Kismaayo,Afgooye,Muqdisho,Goldogob,Burco,Garowe,Qardho iyo Xaafuun.

Daawo sawirada deeqda hay,addu maalintii Ciida ka qeybisay Deegaano ku yaala Gobolka Nugaal.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST