Caasimada dalka Ghana magaalada ACRRA waxaa lagu soo xirey shir muddo todobaad ah uga socday Ururada Shaqaalaha dalal ku yaala Qaarada Africa ,waxaana ka qeybgalay shirkaan ku dhawaad 20 wadan sida Malawi,Kenya,Uganda,Brundi,Burkina-faso,Somalia,Ethiopia,Benin,Swasland,Zimbabwi,Nijer,Rwanda iyo Ghana
Intii uu socday shirka looga arrinsanayo Xiriirka iyo Isku xirnaantooda Ururada Shaqaalaha ee ka jira dalalka Afrika, waxaa uga qeybgalay Somalia Wariye Axmed Shaam Maxamed oo matalaya Ururka Shaqaalaha Soomaaliya oo magaciisa loo soo gaabiyo FESTU,Islamarkaana ah xubin si gaar ah uga socotay Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Axmed Shaam ayaa goobta shirku ka socday ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay caqabadaha ka jira dalka iyo sida lagu xalin karo, wuxuuna kala mid ahaa hadalkan soo jeedinta goobta uu ka socday Aqoon kororsigaan looga dhageysanayay xubin walba oo ka socota dalalka uga qeybgalay GHANA shirkaan oo socday muddo shan maalmood ah.
Daawo Sawirada.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST