Muxuu Eersadey Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland?

Waxaa sii xoogaysanaya hadal hayn ku saabsan khilaaf u dhaxeeya qaar ka mid ah Taliyaasha iyo Saraakiisha laamaha Amniga Puntland ka dib markii warbaahintu tabisay hadalo iskhilaafsan oo eedeyn loogu jeedinayo General Muxuyadiin Awmuuse oo ah Taliyaha la dagaalanka Argagixisada iyo Mukhaadaraadka ee Puntland iyo Shaqo joojintii uu ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Taliyaha Booliska Cabdirisaaq Shire Faarax (Ereg).

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire (Ereg) oo maalmo ka hor shir jaraa,iid ku qabtey magaalada Garowe ayaa ku eedeeyay General Muxyadiin Axmed Muuse inuu faraha kula jiro shaqo aan ahayn middii uu ku magacawnaa, Wuxuuna sheegay inuusan isaga ka amar qaadan xilli uu ka hadlayay arrin la xiriirta xariga dhalinyaro sii deyntooda uu sheegay inuu cuskadey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Camay shaqo joojintii uu ku sameeyay Taliye Ereg.

Shacabka Puntland oo si weyn u hadal haya khilaafka dhex jira saraakiisha booliska waxay isweydiinayaan sababta shaqada looga fariisiyay Taliye Ereg? Dhab ahaanshaha eedeymihii uu soo jeediyay? Muranka maxaabiista laga sii daayay saldhiga Garowe? Sababta mar kale dib loogu soo celiyay saldhiga dhalinyaro lagu sheegay inay ahaayeen kuwii lasii daayay? Sidoo kale waxaa ka mid ah su.aalaha dadku isweydiinayo sababta ciidamo ka amar qaadanaya Gen Muxuyadiin ay ula wareegeen Amniga Caasimada Puntland ee Garowe iyo Cidda ku wareejisay ama xil saartey shaqadaan?

Gen Muxuyadiin Axmed Awmuuse

Gen Muxyadiin Axmed Muuse wuxuu ka tirsan yahay ciidanka Booliska Puntland, horey wuxuu usoo noqdey Taliye ku-xigeenka booliska balse waxaa xilka laga qaaday sanadkii 2015 Haddaba Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa samaysay baaritaan kooban oo lagu ogaanayo xaqiiqda iyo halkay salka ku hayaan Eedeymaha qaar ka mid ah saraakiisha boolisku usoo jeediyeen rag uu ka mid yahay Gen Muxuyadiin Axmed Awmuuse, waxaana baaritaanka lagu helay xogo lagu kalsoonaan karo oo dibadda usoo saaraya“Muxuu Eersadey General Muxuyadiin?.

24-kii bishii 3-aad sanadkaan 2017 shir ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweyne kuxigeenka Eng Camay, Taliyaha Booliska Puntland Gen Ereg,Taliyaha La dagaalanka Argagixisada Gen Muxuyadiin, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ,Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal iyo Gudoomiyaha Degmada Garowe ayaa lagu wareejiyay inuu ilaaliyo amniga Caasimadda Puntland  Taliye Muxuyadiin Axmed Awmuuse.

Waxaana shirkaas la isku raacay Maamulka Dowlada hoose ee Garowe inuu bixiyo kharashka ay ku shaqeynayaan Ciidanka ka amar qaadanaya Gen Muxuyadiin oo lagu wareejiyay Amniga Caasimada, Waxayna sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiintii goobjooga u ahaa shirkaas oo la hadlay PUNTLAND POST inuu Taliye Ereg uu lahaa soo jeedinta fikirka ah  in Gen Muxuyadiin lagu wareejiyo Amniga Caasimada Puntland.

Waxaa ka mid ahaa Qodobadii kasoo baxay shirkaas inay noqoto shaqada ciidanka boolisku ilaalinta Saldhigyada ,Maxaabiista ay u keenaan ciidamada loo xilsaarey amniga caasumadda,Kiisaska madaniga ee kasoo baxa Maxkamadaha iyo kuwa kale ee ka yimaada Dadweynaha.

Halka Ciidamada loo xilsaarey Amniga Garowe lagu qeexay shaqadooda falalka la xiriira Mukhaadaraadka,Nooc kasta oo ka mid ah burcadda hubaysan iyo Sugida Amniga magaalo madaxda sida roondada habeenkii iyo ilaalinta guud ee Amnigeeda.

Go,aamadii laga soo saarey 5 bilood ka hor shirka ay ka wada qeybgaleen masuuliyiinta ugu sareysa Puntland, Saraakiisha booliska, Taliye Muxiyadiin,Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada oo noqday kuwo muddo ka shaqeynayay ama ka dhaqangalay magaalada Garowe ayaa la isweydiinayaa sababta muddo ka dib Taliyaha Booliska Puntland iyo Taliye saldhigyo kale ay u eedeynayaan Taliye Muxuyadiin? Xilli dadweynuhu u arkaan eedeymihii loo jeediyay Muxuyadiin Awmuuse kuwo tilmaamaya boob uu ku hayo shaqadii booliska.!!.

Dhinaca kale ma ahan markii ugu horeysay oo isqabqabsi iyo is eedeyn laga dareemo booliska Puntland tan iyo intii loo magacaabay Taliye Ereg , waxaana ka mid ahaa eedeyn kulul oo uu Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) Taliyihii horre ee qeybta Gobolka Mudug uu mar sii horeysay u jeediyay Taliyaha Booliska Puntland Gen Ereg. Riix halkaan si aad uga akhriso.

Eng Cabdixakiin Camay

Jawaabta Xukuumadda Puntland ?

Ma jirto ilaa iyo hadda jawaab uu ka bixiyay Gen Muxuyadiin Eedeymo isxigxigay oo ay usoo jeediyeen Taliyaha Booliska Puntland iyo Taliyaha Saldhiga Garowe wallow Madaxweynaha kuxigeenka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha uu maalmo ka hor soo saarey dikreeto uu shaqada uga joojinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire (Ereg) ka dib markii uu cabasho ka dhan ah u gudbiyey Taliye Muxuyadiin oo ku eedeeyay inay saldhiga Garowe kasii daayeen maxaabiis.

Shaqo joojinta lagu sameeyay Taliyaha Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) waxaa lagu fasiri karaa mid looga jawaabayo go,aamadii kasoo baxay 5 bilood ka hor shirkii loogu xilsaarey masuuliyadda amniga caasimada Taliye Muxuyadiin oo ay si wada jir ah ugu wareejiyeen Madaxda Puntland, Saraakiisha Booliska oo uu ka mid ahaa Gen Ereg,Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Garowe..

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST