4 nin oo galabta lagu dilay Xadka Degmada Buurtinle la wadaagto Gobolka Sool.

Wararka PUNTLAND POST ka helayso xadka fog ee degmada Buurtinle Gobolka Nugaal la wadaagto Gobolka Sool ayaa sheegaya in galabta casar liqii 4 nin oo xoolo dhaqato ah lagu dilay deegaan la yiraahdo Gumburka Cagaarweyne ka dib weerar ay halkaas ka geysteen maleeshiyo beeleed hubaysan oo sida la rumaysan yahay daba-joogta Aano horey u dhexmartey labo beelood oo walaalo ah.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Gumburka Cagaarweyne ayaa warbaahinta PUNTLAND POST u xaqiijiyay geerida 4 qof oo beel kasoo wada jeeda kuwaas oo ahaa xoolo dhaqato geelal ku haystay dhul daaqsimeedka ku yaala xadka Gobolka Sool uu la wadaago Dalka Itoobiya.

Afarta qof ee galabta la dilay ayaa wararku sheegayaan inay kasoo jeedaan mid ka mid ah beelaha Gobolka Mudug,waxayna sheegeen dadka qaar la hadlay PUNTLAND POST inay ka dambeeyeen dilkooda dabley hubaysan oo heyb ahaan kasoo jeeda Gobolka Sool.

Xiisada mar kale ka dhex cusboonaatey labo beelood oo walaalo ah oo kala ah Bahararsame iyo Cumar Maxamuud waxay kusoo beegmaysaa xilli inta badan geelashii Gobolladda Nugaal, Mudug iyo Gobolladda dhexe ee Soomaaliya u hayaameen xuduuda Koonfureed ee Gobolka Sool la wadaago Dalka Itoobiya

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST