3 askari oo ka tirsan Puntland iyo Dad shacab ah oo maanta lagu dilay tuulada Af-urur

Inta la hubo 3 Askari iyo 5 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay labo qarax oo maanta ka dhacay tuulada Af-urur ee ku yaala buuraha silsilada Golis Gobolka Bari, ka dib markii maanta oo Ciid ah halkaas ka dhaceen weeraro qorsheysan oo la rumaysan yahay inay soo abaabuleen Kooxaha Alshabab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland oo la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa xaqiijiyay dhimashada 3 askari oo mid ka mid ah sarkaal yahay iyo dhaawaca in ka badan 20 qof oo u badan dad shacab ah.

Weerarka ayaa ka bilowday qarax lagu xirey goob maqsin ah oo duhur walba lagu qeybiyo qaad la geeyo tuulada Af-urur, waxaana ku dhintay 1 askari iyo 2 qof oo rayid ah, halka qaraxa labaad uu cabaar ka dib markey dad shacab ah iyo ciidamo kusoo aruureen goobtii horre ee qaraxu ka dhacay lala beegsaday, waxaana lagu sheegay khasaaraha guud ee ka dhashay qaraxyadaan dhaawaca in ka badan 20 qof oo rayid u badan iyo dhimashada ilaa 8 qof oo saddex ka mid ah askar yihiin.

Tuulada Af-urur ayaa dhacda buuraha silsilada Golis gaar ahaan deegaanada ay difaaca uga jiraan cutubyo ka tirsan ciidanka Dowlada Puntland

Kala soco faahfaahin dheeri ah PUNTLAND POST