Madaxwyenaha Puntland oo Hambalyo ku Aadan Ciidul Adxaha U diray  Ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan Shacabka Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku gudajira gudashada acmaasha akhyriga ah ee Xajka  ayaa Hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland iyo sidoo kale ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland munaasibadda ciidul Adxaha darteed.

Madaxweynaha  Puntland ayaa Alle ‘’SWC’’ u weydiiyey ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ciidan ciideeda Alle  farxad, barwaaqo, Alla  ka-cabsi, amni, horumar iyo mid nimo ku gaadhsiiyo, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay Eebe Weyne ka baryaan inuu ka saaro dalkooda colaadda, abaarta iyo cadawga, quluub-toodana isu soo jeediyo oo mideeyo.

‘’ Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak, waxaan hambalyada ciidul Adxaha halkan uga hambalyay-nayaa shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaan, guud ahaan iyo gaar ahaanba shacab weynaha reer Puntland, waxaan Illahay uga rajaynayaa in iyaga caruurtooda, xaasaskooda, ehelkooda, qaraabadooda iyo meelkastay joogaanba dibad iyo guddaba ay ku ciidan ciid wanaagsan, sanadka sanadkiisana ay ku gaadhaan bash-bash iyo barqaaqo, nabadgelyo, midnimo iyo waddajir ’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

‘’ Illahay aan ka cabsoono, Illahay aan u toobadkeeno, Illahay aan barrino inuu dalkeena noo hagaajiyo, inuu noo nabadeeyo, inuu dhibta nagasaaro, inuu abaarta naga saaro, inuu colaadda nagasaaro, dabadeedna uu waddanka noo islaaxiyo, in Illahay dadka qulluubtooda isu soo jeediyo. waddaninimo, qaranimo, Soomaalinimo iyo horrumar in loo soo jeesto ayaan rajay nayaa’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sigaara ugu hambalyeey ugana mahad celiyey ciidamada qalabkasida ee reer Puntland, waxaana uu sheegay inay isaga iyo weftigiisuba ee gudanaya acmaasha khayriga ah ee xajka si gaara ugu soo ducayn doonaa ciidamada geesiyaasha ah ee reer Puntland.

‘’waxaan, sigaara rabaa halkan inaan uga mahad celiyo ciidamada qalabka sida ee reer Puntland oo noo ogolaaday inaanu ku xajino si nabad gelyo ah dalkana uga soo baxno una soo ducayno, dibad iyo gudana dalkooda ka difaacay cadawga, aad iyo aad bay u mahadsan yihiin, si gaarana waan ugu soo ducaynaynaa, Allena waxaan ka baryaynaa inuu noo siyaadiyo wanaagaa faraha badan ee uu nagu galaday” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA  DAWLADDA PUNTLAND.

DHEGAYSO CODKA MADAXWEYNAHA: