Haweeneyda qura ee 2 wadan ka noqotay marwada koowaad (xaaska madaxweynaha)

Graça Simbine waxaa ay dhalatay 17 cisho kadib geeridii aabaheed, waa qofka ugu yar qoys ka koobnaa 6 caruur ah, waxaa ay ku dhalatay gobalka Gaza ee dalkii la oran jiray  Portuguese East Africa kaas oo casrigaan loo yaqaano Mozambique, waxey ka mid aheyd ardeydii ka faa’iideysatay nidaamkii hormarinta school-adda ka hor inta aaney deeq waxbarasho ka helin jaamacadda Lisbon ee wadanka Portugal, waxey sidoo kale wax kusoo baratay Jarmalka intii aaney ku lug yeelan dhaq dhaqaayaddii xornimo doonka, waxey ku hadashaa luuqadaha French, Spanish, Italian, Portuguese , English iyo sidoo kale luuqadeedda rasmiga ah ee Shangaan ,Graça Simbine waxaa ay dib ugu soo laabtay dalkeeda 1973 iyadoo ku biirtay xisbigii xoreynta Mozambique ee (Frelimo) ,sidoo kale waxey noqotay macalimad School.

Markii ay Mozambique xornimadda qaatay 1975-tii Simbine waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashadda iyo dhaqanka waxaana ay isla sanadkaas guursatay madaxweynihii ugu horeeyay ee Mozambique Samora Machel taas waxaa ay keentay inuu is badal ku dhaco magaceeda labaad waxaana Graça Simbine loo badalay Graça Machel oo ah sidda hadda dadku ay badi u yaqanaan ,waxaa ay isku dhaleen 2 caruur ah waana Josina iyo Malengani, madaxweyne Samora Machel wuxuu ku dhintay shil diyaaradeed 1986-dii, markaa wixii ka dambeeyay Graça Machel waxaa ay ku biirtay shaqaalaha qaramadda midoobey gaar ahaan qeybta daryeelka iyo quudinta caruurta.

18-kii July 1998-dii xaflad ka dhacday magaaladda Johannesburg ayey Graça Machel waxey rikoor ugu dhigtay aduunka markii ay la aqal gashay madaxweynihii xiligaas ee Koonfur Africa Nelson Mandela, habeenkaas waxey sidoo kale ku aadaneyd xili uu Nelson Mandela u dabaal dagayaayay dhalashadisii 80 aad, Mandela oo Koonfur Africa xukumaayay 1994-tii ilaa 1999-kii ayaa dhintay 5tii December sanadkii 2013.

Graça Simbine ama sidda hadda loo yaqaano Graça Machel waa haweeneydda kaliya ee dunidan ka sameysay iney labo madaxweyne la jiifato oo 2 wadan kala xukumayay ama marwadda koowaad ee 2 wadan.

W/Q: Cabdulaahi Cismaan Faarax
Email: raafac22@hotmail.com