Turkiga oo ku dhawaaqay howlgal Tababar lagu siinayo Ciidanka Somaliya

Muqdisho-[Puntland Post] Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay 200 Askari oo horudhac u ah Ciidamo Turki ah oo tababari doona Ciidamada Soomaaliya.

War ka soo baxay Ciidamada Turkiga ayaa lagu sheegay in Howlgalka Turkiga ee tababaridda Ciidamada Soomaaliya uu shalay billowday.

Ciidamada ka socda Dalka Turkiga ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho,waxaana sawirro laga qaaday ay muujinayaan Ciidamo badan oo Turki ah .

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in xarig ka jarka Saldhigga Turkiga ka dhisay Muqdisho waxana lagu wada inla furo Bisha September ee soo socota, waxaana la filayaa in lagu tababaro 10,000 oo Askar Soomaali ah, kaa bilaamanaya Bisha soo socota.

 

Cabdiqani Boos

Puntland Post