Ra’iisul Wasaare Khayre oo Beesha Calaamka u sheegay in la joogi xilligii wax la qaban lahaa

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahayd inuu warbixin ka siiyo xaaladda waddanka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxaa ku wehliyey kulankaan Wasiirradiisa Maaliyadda, Qorsheynta, Difaaca, Ammaanka iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Mudane Khayre oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday wax yaabihii u qabsoomay Xukuumadda dhowrkii bilood ee laga soo gudbay, gaar ahaan dhinacyada Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa nidaam dawladnimo ee hufan.

“Qof kasta oo idin ka mid ah wuu og-yahay Horumarka ballaaran ee aan dhawrkii bilood ee la soo dhaafay sameyney , waxaan joognaa waqtigii aan ka gudbi laheyn hadal kaliya una gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad. Waana sababta aan halkan isagu nimid si aan uga hadalno kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka la gaaray sidii horey loogu sii wadi lahaa,” ayuu yiri hayre.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay billowday nidaam isla xisaabtan dhinacyo badan, kana codsaday Beesha caalamka inay la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed. Isagoona ugu baaqay inay si dhab ah u garab istaagan dawladda islamarkaana ka dhabeeyaan balan qaadyadii ay horey u sameeyeen.

Ugu dambeyn, Waxaa kulankaas ka hadlay qaar kamid ah Safiirada beesha caalamka oo dhamaantood balan qaadey inay garab istaagi doonaan Xukuumadda Soomaaliya isla markaana xusay sid ay u dhacsan yihiin dadaallada ballaaran iyo guulaha la gaaray waqtiga kooban.




PUNTLAND POST