Dowladda oo baaraysa cidii ka dambaysay qoys lagu rasaaseeyey Muqdisho

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyey in la baaro cidii ka dambaysay qoys lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho 15 bishan.

Farmaajo oo shalay kasoo laabtay safar uu ku tagay Masar ayaa laamaha amaanka ku amray inay keenaan sababta loo rasaaseeyey qoyskaas, islamarkaana baaritaan la sameeyo.

Masuuliyiin kale oo uu kamid yahay Ra’iisul wasaare kuxigeenka ayaa tilmaamay in dowladdu baaridoonto falkaas, halkaasna aysan uga hari doonin.

Qoyska ayaa lagu rasaaseeyey agagaarka Isbitaalkii Digfeer , waxaana halkaas ku dhintay sadex Caruurra halka afar kale ay ku dhaawacmeen, labo kamid ah oo xaaladooda laga dayriyey ayaa loo qaaday dalka dibadiisa.

PUNTLAND POST

XASAN BAASHE