Ciidamada Ammaanka Itoobiya oo xir-xiray boqolaal ka mid ah Ganacsatada yar-yar

Addis Ababa (PP) ─ Mudaaharaad shan maalmood ah oo shaqo joojin ah oo ay horey ugu baaqeen mucaaradka ayaa qeyb ahaan ka hirgalay ismaamulka Oromada, iyada oo ganacsiyada iyo shirkadaha gaadiidka ay shaqo joojin guud sameeyeen.

Magaalooyinka qaar ayaa lagu arkayaa ciidamo badan oo lasoo dhoobey. Hase yeeshee magaalooyinka qaar ayaysan shaqo ka fariisigan saamaynin, xaaladda waa mid iska caadi ah.

21-dii bishan Agoosto ururka mucaaradka ee lagu magacaabo Oromo Federalist Congress (OFC) ayaa ku baaqay mudaaharaad shaqo ka fariisi ah ismaamulka Oromada oo 5 maalmood ah, kaasi oo ka bilaabanaya 23-da Agoosto.

Mudaaharaadkan ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii dowladda Itoobiya ay xabsiga u taxaabtay boqolaal ka mid ah ganacsatada yaryar kuwaasi oo diidey in ay bixiyaan canshuur dheeraad ah oo la soo rogey bishii July, taasi oo uu muran badan ka dhashay.

Taleefishinka dhanka mucaaradka u janjeera ee fadhigiisu yahay magaalada Amsterdam ee ESAT TV ayaa 21-kii bishan tabiyey in 500 ganacsatada yaryar ah lagu xirxirey magaalada Bahir Dar ee caasimadda ismaamulka Amxaarada ee ku yaala Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya.

Xisbigan ayaa sheegey in mudaaharaadka looga gol leeyahay in lagu dalbado soo siideynta dad u xiran arrimo siyaasadeed, in lagu diido canshuurta la kordhiyey iyo in lagu xuso illaa 600 qof oo la diley kadib mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeedey ee dhacay sannadkii 2016-kii.

Maxay tahay sababta dadkan loo xirxirey?

Bishii July, dowladda waxa ay canshuur dheeraad ah kusoo rogtey ganacsiyada yaryar ee sannadkii lacagta soo gasha ay dhantahay $4,300 doolar.

Dowladda ayaa la sheegey in ay dooneyso in ay kab u hesho miisaaniyaddeeda oo hoos u dhacday 2.3 bilyan oo doolar sannadkii iyo in ay maalgalin u hesho mashaariicdeeda waaweyn sida biyo-xireenka weyn ee GERD loo yaqaano.

Taleefishinka ESAT ayaa sheegey in canshuurta laga qaado mootooyinka ay markii hore ahayd $21 doolar, haddana laga dhigey $105 doolar, halka baabuurta caasiyadda ah canshuur ahaan laga qaadi jirey $38 doolar, haddana laga dhigey %192 doolar.

Mulkiilayaasha ganacsiyada ayaa sheegaya in dowladda ay ka badbadisey macaashka ay helaan, sidoo kalana ay aad sare ugu qaaday canshuurta ku waajibtay.

Canshuurta sare loo qaaday ayaa waxaa lagala horyimid banaanbaxyo lagu diidanyahay meelo kala duwan oo Itoobiya ka mid ah sida ismaamulka Amxaarada iyo kan Oromada.

Balse waxaa jira hubantii la’aan canshuurta ka dhalatay kadib markii warar saxaafadda kusoo baxay qaarkood ay sheegeen in dowladda ay ka laabatay kororka canshuurta, mudaaharaadyada awgood.

Wargayska dhanka dowladda u janjeera ee maalinlaha ah ee gaarka loo leeyahay The Reporter ayaa qorey sheeko isaga oo soo xiganaya agaasimaha laanta canshuuraha Itoobiya ee ERCA ninka lagu magacaabo Kebede Chane oo leh “ganacsatada yaryar waxaa lagu dhiirogalinayaa in ay iska bixiyaan waxa ay ogolyihiin”.

Waxa uu intaasi ku daray in dowladda ay eegeyso cabashooyinka dadka.

Balse Kebede ayaa markii dambe beeniyay warkaas, wuxuuna u sheegay website-ka dowladda leedahay ee Fana in warka uu wargayska qoray yahay mid runta ka fog.

Halkee ka dhaceen mudaaharaadyada?

Sida ay tabisay warbaahinta madaxa banaan iyo kuwa mucaaradka u janjeera, ismaamulka Amxaarada ayaa ah kan ugu badan ee ay mudaaharaadyada gilgileen, gaar ahaan caasimadda Bahir Dar.

Booliiska waxa ay sheegeen in la xirxirey illaa 17 qof magaalada Bahir Dar 18-kii bishan agoosto, kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay galeen dambiyo la xiriira argagixisonimo kadib weeraro garneelo loo adeegsaday.

Taliyaha booliiska magaalada Bahir Dar Walelgn Dagnew ayaa wargayska The Reporter u sheegay in in weerarada dhacay ay yihiin kuwa walwal badan leh, islamarkaasina halis ku ah dowlad deegaanka iyo waliba dadka.

Wargays horay waxa uu u tabiyey in 13-kii Agoosto la xirxirey illaa 200 ganacsatada yaryar ah kadib mudaaharaad ka dhacay magaalada.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa iyaduna 7dii Agoosto tabisey in ganacsiyada iyo shirkadaha gaadiidkaba ay shaqada joojiyeen magaalada Bahir Dar.

Bogga Fana ayaa isna 4tii Agoosto tabiyey in shan qof lagu xirey Bahir Dar sababo la xiriira qarax dhacay maalintii ka horeysey.

Mudaaharaadyada ayaa sidoo kale laga soo sheegay in ay ka dhaceen ismaamulka Oromada iyo Ismaamulka Koonfureed ee Itoobiya.

Inkasta oo ay soo baxayaan wararkan ku saabsan xasilooni darada, haddane dowladda wax hadal ah kama aysan oran arrimaha dhacaya.

4tii bishan agoosto, dowladda waxa ay qaadday xaalad degdeg ah oo dowladda ay soo rogtey Oktoobartii hore, iyada oo wasiirka gaashaandhigga Siraj Fegeisa uu sheegay in arrimaha yaryar ee amniga dhibbaya ee dalka kasii jira ay xalin karaan ciidammada caadiga ah.

Hase yeeshee waxaa loo arkaa in qaaditaanka xaaladda degdega ah in ay dadka ku dhiirogalisey in ay sameeyaan mudaaharaadyada cusub, maadaamaa ay meesha ka baxeen arrimihii dowladda siinayay awoodaha dheeraadka ah ee ay ku caburiso mucaaradka.

Baaqa cusub ee xisbiga mucaaradka ayay u badantahay in laga dhagaysto gobolada Amxaarada iyo Oromada, taasina ay sare usii qaaddo xiisadda jirta.

Xigasho BBC

PUNTLAND POST