AXMED MADOOBE: Caalamku ma doonayo inay Somalia ka gudubto Meesha ay joogto

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe oo ka hadlayay shir ku aadan dhismaha dowladaha hoose ee maamulada dalka ka jira, ayaa sheegay in beesha caalamka aysan diyaar u ahayn in Somalia ay baxdo marxadda ay ku jirto.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in sababaha aysan beesha caalamku xilligaan u doonayn inay Somalia ka gudubto halka ay ku sugan tahay ayaa sheegay inay ka mid tahay iyagoo shaqaalaha dibadda ka keensada, isla markaana u tilmaama Soomaalida meelaha ay doonayaan inay ka caawiyaan.

“Ma filayo inaan ku dambaabayo haddaan iraahdo beesha caalamku xiligaan ma doonayaan in Somalia ay gudubto halka ay maanta taagan tahay,” ayuu yiri Madoobe oo intaas ku daray. “Waxaan arrintaas sabab u ah dhawr arrin oo aan doonayno inaan taataabto.”

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in sababaha ay ka mid yihiin; Shaqaalaha ka shaqeynaya dalka inay dibadda ka keensadaan iyagoo lacago badan ku bixinaya, isla markaana markii qandaraasku u dhammaado qofka shaqaalaha ah ee dibadda laga keenay uu la tagayo dhammaan dukumiintiyadii uu kaga shaqeynayay dalka.

“Waxaa la heli ruux Somali ah oo wax bartay oo mushaar ka yar ruuxa laga keenayo dibadda oo la shaqaaleysiin karo, balse taas ma garanayo sababta diidaysa,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha maamulka Jubblanad.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa ku dhaliilay dowladda Somalia inaysan ka go’nayn inay wax ka qabato xaaladaha ka taagan maamul-goboleedyada dalka ka jira, isagoo sheegay in wax walba lagu xirayo in Xalane oo AMISOM ay daggan tahay laga soo qaato loona tago.

“Intii aan wax kasoo qaadan lahayn Xalane, waxaa igalan wanaagsan in laga soo qaado Girgiriiri-Nairobi, waayo Xalane laba dhibaato ayaa ka jirta, wax tixgelin ah innagoo aan ku haysan iyo in gelideeduba ay dhibaato weyn ka sokeyso,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Jubbland, ayaa sheegay inuusan isagu ahayn oday jisaar ah oo aan ka mahadcelinayn hawlaha Calaamku ka hayaan dalka, balse doonayo inuu muujiyo xaqiiqooyin qarsoon ee dalka ka jira.

PUNTLAND POST