Wasiirkii hore ee duulista Hawada iyo garoomada Puntland oo xilkii wareejiyay

Munaasabad uu xilka ku wareejinayay wasiirkii hore ee  duulista hawada iyo garoomada Puntland, Xasan Xaaji Siciid, ayaa  lagu qabtay gudaha xarunta wasaaradda, waxaana ka soo qaybgalay wasiirka cusub ee xilka la wareegayay Axmed Karaash, wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland, Wasiirka Haweenka iyo arimaha qoyska, gudoomiyaha Haweenka 9ka gobol iyo shaqalaha wasaaradda Duulista Hawadda.

Hadal uu halkaas ka jeediyay wasiirkii hore ee wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada dowladda Puntland ayaa wuxuu aad uga hadlay waxqabadkii muddadii uu xafiiska joogay, wuxuuna yidhi,

“Saddex sano iyo badh oo aan wasaaraddaan joogay waxaan ku guulaysanay inay kamid noqoto wasaaraddaha ugu horeeya xaga waxqabadka xukuumada, waxaan ka saarnay dhismihii kirada ahaa, waxaan usameynay qalabayn, waxaan tababarnay shaqaalihii wasaaradda, waxaan dhagax dhignay oo dhameystirnay garoonkii diyaaradaha Bosaso inagoo u dhameystirnay dhammaan adeegyadii muhiimka u ahaa garoonka si uu u noqdo mid caalami ah.

“Waxaan kaloo dhagax dhignay mashruuca dhismaha garoonka Garowe oo hadda gabagabo maraya kana haryahay labo bilood, waxaan kaloo bilowday mashruuca garoonka diyaaradaha Gaalkacyo. waxaan tababar dalka iyo dibada udirnay shaqaalihii garoomadaas ka shaqeyn lahaa. waxaan kaloo dayactir ku sameynay garoonka Kanoko, midka Qardho iyo kan Caluula. Dadka reer Puntland waxay ka baxeen dhibaatada duulimaadka ka haystay, iyadoo aan dalka keenay shirkado badan oo duulimaad oo isku xiray Puntland iyo caalamka.

Waxaan xidhiidh wanaagsan la leenahay wasaaradda duulista hawada ee dowladda federalka, waxaana kawada shaqeynaa sidii maamulka hawada Soomaaliya loogusoo rari lahaa Muqdisho. Inagana qeybtii aan ku lahayn mashruucaas waxaa laga hirgalindoonaa Garowe, oo qalabkii ayaa halkaan dhowaan imaandoono,” ayuu yidhi Xasan Cadde.

Xasan Cadde ayaa intaas kadib balanqaaday inuu la shaqeyndoono wasiirka cusub, kuna biirindoono wixii qibrad iyo waayo aragnimo ah.

Wasiirlka cusub ee loo magacaabay waasarada Ahmed Cilmi Cisman ( Karaash ) ayaa isagana ka hadlay dareenkiisa ku adan xilkan lagu wareejiyay asagoo sheegay inuu uga mahad celinayo qaabka ay shaqaalaha iyo masuuliyiintu ugu soo dhaweeyeen wasaaradda.

Ugu dambeyn waxaa goobta ka dhacday xil wareejinta iyadoo labada masuul kala sixiixdeen Docomentiyo ku aadan Shaqadda wasaaradda.

PUNTLAND POST