Wasiirka Dowladda Britain u Qaabilsan Arrimaha Afrika oo booqday Muqdisho iyo Hargeysa

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Britain ee arrimaha Afrika, Rory Stewart ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku yimid dalka Somalia, isagoo siyaabo kala duwan u booqday magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Rory Stewart ayaa booqashadiisa uga faa’iideystay dib u eegista heshiisyadii lagu saxiixay shirkii Soomaalida ee London bishii May ee sannadkan iyo inuu eego kaalmada bini’aadamnimada iyo horumarin ee Ingiriiska ku taageero dadka Soomaaliyeed.

“Dowladda Britain waxaa ka go’an in ay taageerto nabadda iyo horumarka Somalia, waxaana kaalin weyn ka ciyaarnay in beesha caalamka ay kaalmo iyo taagero bixiso. Horraantii Sannadkaan waxaanu marti-gelinnay Shirkii Soomaalida ee London, waxaana aad ugu qancay horumarka weyn ee la sameeyey, gaar ahaan dhinacyada dib u qaabeynta amniga,” ayuu yiri Rory Stewart.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Iyadoo dalku uu wajahayo abaar daran, waan ku faraxsanahay in Britain ay bixisay kaalmod aad u badan oo looga jawaabayo xaaladda bini’aadanimada, taasoo samata-bixisay dad aad u badan. Waxaan si weyn u aaminsan-nahay in gurmadka kaalmada deg-degga ah ay qayb ka tahay jawaabta mustaqbalka fog ee wax looga qabanaayo arrimaha taagan iyo cirib-tirka mushkiladaha bini’aadamnimo ee ka taagan Somaaliya. Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan si dhow ula shaqeyno dowladda Somalia, si hadafka la hiigsanaayo loogu guuleysto.”

Sidoo kale, Stewart ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Ra’isal Wasaaraha, Ra’isal Wasaare ku xigeenka, Wasiirrada Qorsheynta, Difaaca iyo Amniga. Wuxuuna soo dhoweeyey horumarka muhiimka ah ee Dowladda gaartay tan iyo markii ay awoodda qabatay, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay Dowladda Ingiriiska uga go’an tahay taageeridda horumarka Somalia.

Dhanka kale, Wuxuu ka hadlay muhiimada dib u qaabeynta qaybta amniga, isagoo xusay in tani ay Somalia awood u siinayso xaqiijinta amniga guud ee dalkeeda iyo wax ka qabashadaa halista ururka argagixisada ah sida kooxda Al-shabaab.

Wasiirku wuxuu kaloo ka hadlay muhiimada wax ka qabashada waxyaabaha aasaasiga u ah rabshadaha xagjirnimada iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa, abuurista shaqada, fursadaha dhalinyarada iyo ilaalinta arrimaha xuquuqda Aadanaha Soomaalida

Stewart ayaa booqday xarunta wax ka qabashada abaarta ee QM oo uu ku arkay waxqabadka ay wada fuliyeen QM, NGO-yada iyo wasaarada arrimaha bini’aadamnimada, si wax loogu qabto dhibaatooyinka bini’aadamnimada.

Dhanka kale, Magaalada Hargeysa waxa uu booqday xarunta nafaqeynta hooyada iyo dhalaanka, oo ku soo arkay muhiimadda kaalmada Ingiriiska bixiyo. Wuxuuna intii uu Hargeysa ku sugnaa uu kulamo la qaatay wakiilada Bulshada Rayidka ah iyo xukuumadda Somaliland. Isagoo soo dhaweeyay doorashoyinka la filaayo in ay dhacaan bisha November. Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ah in doorashooyinkaan ay noqdaan kuwa u dhaca si caddaalad ah oo xor ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Britain ee Arrimaha Afrika wuxuu sidoo kale kulamo la qaatay dhalinyarada Somaliland oo ku jiraan xubnaha ku guuleystay mashruuca deeqda waxbarashada caanka ah ee Chevening oo uu kala hadlay rajada iyo himilooyinkooda mustaqbalka.

PUNTLAND POST