Shir u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Abuu Mansuur oo Muqdisho ka Furmay

PP (Muqdisho)- Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka furmay shir u dhaxeeya  Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur iyo Dowlada Soomaaliya.

Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo kamid ahaa saraakiisha Al-Shabaab islamarkaasina isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya dhowaana sheegay in uu ka baxay Al-Shabaab.

Shirkaan ayaa dowlada Soomaaliya waxaa u matalaya Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Shirkaan ayaa ah mid albaabada u xiran islamarkaasina saxaafadu ay dibad joog ka tahay ayaa looga hadlayaa arimo dhowr ah.

Wada hadalkaan rasmiga ah ee u furmay Muqtaar Rooboow iyo Dowlada ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan natiijooyin.

Arimaha ugu waaweeyn ee shirkaan looga hadli doono ayaa ah mustaqbalka Abuu Mansuur iyo qorshihiisa isku soo dhiibitaanka dowlada kadib.

Wixii ku soo kordha kala soco Puntland Post Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho