Ra’iisul Wasaaraha DF oo Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa goor-dhaw u magacaabay wasiirka hwlaha guud iyo dib u dhiska Smalia, Saadaq Cabdullaahi Cabdi, kaddib markii xilkaan uu ka geeriyooday bishii May ee Sannadkan Wasiir Cabbaas Siraaji oo ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xukuumadda Soomaaliya.

Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu Magacaabay Xilkan oo ahaa mid banaan tan iyo markii toogashada lagu dilay wasiir Cabaas Siraaji.

Qoraalka Magacaabidda ayaa lagu faray wasiirka cusub inuu sida ugu dhaqsi badan uu xilka ula wareego, Waxaana markii xilkaan uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee wasiirkii hore Cabaas Siraaji sii hayay ku-xigeenkiisii.

Dhanka kale, Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa ah nin aqoonyahan ah oo qurba-joog ah, wuxuuna haystaa dhalashada Mareykanka, sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyn, Magacaabistan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa waxay meesha ka saareysa hadal-hayntii ku aadanayd in jagadaan loo magacaabayo nin la dhashay Wasiirkii geeriyooday.

PUNTLAND POST