Nabadoono raaligalin u direy Shacabka iyo Madaxweynaha Puntland

Qaar ka mid ah Odoyaasha Gobolka Nugaal oo maanta warfidiyeenka kula hadlay magaalada Garowe ayaa jawaab ka bixiyay baaq ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Gaas oo la sheegay inuu soo baxay shalay.

Odoyaasha maanta Garowe kula hadlay warbaahinta waxaa ka mid ah Nabadoon Khaliif Awcali,Nabadoon Bashiir Cabdi Cali, Nabadoon Cabdulaahi Maxed Jibriil,Nabadoon Ciise Caduur Macalin,Nabadoon Dheeliye,Nabadoon Shoombe Xaaji Axmed Farajar,Nabadoon Indhaceel iyo waxgarad kale oo caan ka ah Gobolka Nugaal.

Nabadoon Khaliif Awcali ayaa sheegay inay tahay ujeedada ay u qabteen shirkaan sidii ay ku beenin lahaayeen Nabadoono lagu been abuurtay magacooda oo lagu qorey baaq ka dhan ah Madaxweynaha Puntland oo shalay lagu faafiyay qaar ka mid ah Warbaahinta .

Odoyaashan ayaa si guud raali galin ka bixiyay ajandihii loogu magacdarey kulan shalay laga soo saarey baaq lid ku ah Waxqabadka Xukuumadda Puntland.

Daawo Odoyaasha.

Garowe
PUNTLAND POST