Maxkmada sare ee Hindiya oo go’aan ka gaareysa furriinka Saddexda Dalqadood ah

Maxkamadda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa la filayaa inay go’aan ka gaarto furitaanka deg deg ah ee saddexda dalqadood mar qura ay ku dhawaaqaan ragga Muslimka ah ee dalkaasi.

Dadka u ololeeya xuquuqda dumarka ee dalka Hindiya ayaa sheegaya in dalqadaha saddexda goor ah ay fuquuq ku yihiin haweenka, waxaana ay ka codsadeen maxkamadda inay mamnuucdo.

Dadka dhaliilsan in mar qura la israaciyo saddex dalqadood ayaa ku doodaya in kumannaan haween Muslim ah oo intooda badan sabool ah, uu furriinka noocaasi ah noolashooda saameeyo.

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Hindiya ku batay ragga Muslimka ah ee xaasaskooda furaya, gaar ahaan kuwa wicitaanka telefoonka iyo fariimaha qoraalka ah ku fura dumarkooda.

Nidaamka guurka iyo furriinka Muslimiinta Hindiya ayaa waxaa lagu hagaa shareecada Islaamka, iyadoo qaar ka mid ah ururada Muslimiinta ee dalkaasina ay ku doodayaan in aan la mamnuuci karin furriinka saddexda dalqadood ah, haddii ay sidaa maxkamada go’aamisana ay ka dhigan tahay inay faragelisay diintooda.

Haseyeeshee dadka gadaal ka raxiiya arrinkan ayaa sheegaya in dalal Muslim ah oo ay ka mid yihiin Pakistan iyo Bangladesh ay horay u mamnuuceen dalqadaha saddexda ah, Hindiyana ay kuwaa ku dayan karto.

Garsoorayaasha kiiskan qaadaya ee maxkamadda ugu saraysa Hindiya ayaa ka kooban 5 xaakim oo kala haysata shan diimood oo kala duwan.

Waxayna maxkamaddu go’aan ka gaari doontaa dhawr codsi oo ay usoo gudbiyeen ururada u dooda xuquuqda dumarka, ayadoo xukumi doonta in saddexda dalqadood ee mar qura lagu dhawaaqo ay meel ka dhac ku tahay xuquuqda dumarka Muslimka ah iyo in kale.

PUNTLAND POST