Jaaliyadda Jarmalka Puntland oo Toban Ton oo daawo ah la wareegtay .

Jaaliyada Qurbajoogta Puntland ee dalka Jarmalka (PDF Germany) ayaa la wareegtay dawo isugu jirta noocyada kala duwan, cadadkeedu gaarayo ilaa 10 Ton, waana markii labaad isla sanadkan ay Jaaliyaddu dalka Soomaaliya u dirto shixnad daawo ah.

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntlland Eng. Maxamed C/raxmaan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay Ha’yada deeqdan bixisay, wuxuuna intaasi raaciyay inay dawadan gaarsiin doonaan qaybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, gaar ahaan degaanada ay baahida dawadu ka jirto.

Dawadan oo cadadkeedu gaarayo ilaa 10 Tan ayuu Gudoomiyuhu qiimaheeda ku sheegay ilaa 2.000.000 US $, “waxaa dalkeena ka jirta dawo la’aan waxaana dad badani u dhintaan xanuuno dawayntoodu ay sahlan tahay” ayuu yiri gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata.

PDF Germany oo kaashanaysa Hay’ada German Aid ee ay jaalka yihiin ayaa sii wadi doonta dawooyin deeq ah oo afartii sano ee u dambeeyay ay si is dabajoog ah dalka u gaarsiinayeen.

PUNTLAND POST