Al-shabaab oo xaqiijiyay dhimashada Cali Maxamed Xuseen (Ali Jabal)

Al-shaabab ayaa xaqiijisay dhimashada gudoomiyihii ugu magacownaa Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) kaasi oo lagu dilay duqeyn ka dhacday 30-bishii June magaaladda Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Qoraal kasoo baxay Al-shabaab islamarkaana lagu daabacay garabka Warbaahineed ee Al-shaabab ee Al-kataaib ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay beegsadeen gaari uu la socday oo marayay deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in Cali jabal uu ahaa nin inta badan kasoo qeyb qaatay dagalada lagula jiro Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, islamarkaana  ay soo magacaabi doonaan mas’uulkii badali lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Gobolka Shabeelaha hoose lagu dilay Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Al-shabaab ugu magacownaa Gobolka Banaadir.

Cadeeynta Al-Shabaab in uu Dhintay Cali Jabal

 

PUNTLAND POST