Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Garooonka Muqdisho

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka dhoofay  garoonka Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Qaahira ee caasimada Dalka Masar halkaasi uu casuumaad uu ka helay dhigiisa dalka Masar Cabdi Fitaax Alsi si.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona adkeynta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Waxbarashada, Beeraha, Socdaalka, Duulista Hawada iyo Tamarta iyo Biyaha.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlha waxbarashada iyo xildhibaanno.

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed oo kunool magaalada Qaahira ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen wefdiga madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa lagu arkaya xarunta safaaradda iyo meelaha ay degan yihiin Soomaalida kunool dalkaasi Masar qaban qaabo xoogan, dadka ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweynahaayeen madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in maanta uu gaaro dalkaasi Masar.

Sidoo kale Max’ed C/llaahi Farmaajo  Madaxweynaha Soomaaliya ayaa  maalinta isniinta ah la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho