Faah-Faahin 7 Ruux oo isku Qoys ah oo Qarax ku geeriyootay

Inta la xaqiijiyay 7-ruux ayaa ku dhimatay oo u badnaa dad ka soo jeeday hal Qoys kadib markii ay Miino la kacday gaari ay saarnaayeen.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka ku nool deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose, dadka dhintay oo ay ku jiraan carruur iyo dad da’ ah ayaa geeriyooday kadib markii ay miino la qaraxday gaari ay la socdeen dulleedka deegaankaas xili ay ka baxsanayeen dagaal culus oo halkaa ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaliya,kuwa AMISOM  iyo Al-shabaab.

Deegaanka Bariire oo ah tuulo yar oo ay degen yihiin dad beeraley ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u aheyd dagaalyahanada Al-shabaab, oo halkaasi ku lahaa laba maxkamadood oo ay dacwadaha ku qaadaan.

Dadka ka baxsaday dagaalka ka dhacay deegaanka Bariire ayaa la sheegay in ay u barakaceen deegaanka Toora-Tooroow oo ka mid ah fariisimaha  Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku heeynta deegaankaasi.

PUNTLAND POST