Dagaal culus oo caawa ka socdo Degmada Afgooye

War Deg Deg ah oo hadda naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi uu hadda ka socdo dagaal culus .

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaaab oo weerar ku soo qaaday degmadaasi caawa.

Dagaalka ayaa ah mid culus waxaana lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay dagaal culus kaga soo qaadeen degmada Afgooye dhowr jiho.

Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi xiliga oo habeen ah dartiis hayeeshee waxaa jira khasaaro.

Dadka Afgooye ayaa caawa waxa ay ku suganyihiin Xaalad aan wanaagsaneyn maadaama lagu dul dagaalamayo.

Faah Faahinta dib kala soco PUNTLAND POST insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho