Weerar Mindi loo adeegsaday oo Ruushka ka dhacay

Nin mindi sita ayaa 7 qof ku dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Surgut, ee ku taalla dalka Ruushka sida ay sheegeen ila wareedyo laamaha ammaanka dalkaasi.

Ninkani oo mindida la dhacay dad marayay wadooyiinka ayaa markii danbe waxaa toogtay booliiska .

Dadkii ku dhaawacmay weerarkan ayaa waxaa loola cararay isbataal ,laba ka mid ah ayaa qaba dhaawacyo halis ah,sida ay sheegtay wakaalada wararka Ruushka ee RIA.

Baarayaasha dalka Ruushka ayaa waxa ay sheegeen in ilaa iyo imika aan la ogayn waxa ay tahay u jeedada ninka weerarka gaystay.

Wakaalada wararka ee TASS ayaa ka soo xigatay booliiska dalkaasi in laga yaabo in ninka weerarka gaystay uu ahaa nin maskaxda looga jiro oo qabay xanuun dhanka dimirka ah.

Magaalada Surgut, ayaa 2,100 kiilo mitir kaga beegan dhanka bari caasimada Ruushka ee Moscow.

Xigasho BBC somali