Ururka PULPA oo tababaraya daryeelayaal caafimaad oo ka yimid Degmada Eyl

Ururka Xirfadlayaasha Xanaanada Xoolaha ee Puntland ayaa tababar u qabtay daryeelayaal caafimaad oo ka yimid Degmada Eyl waxaana la siinayaa tababarta 6 qof oo ka kala socda Qarxis,Dhanaane iyo Ceel madoobe,waxaana la bari doonaa dadkan caafimaadka xoolaha iyo sidii ay u daweyn lahaayeen. wuxuuna socon doonaa muddo 46 cisho ah, waxaana maalgalinaya tababarkaan Hay,adda FAO halka uu fulinayo Ururka Xirfadlayaasha Xanaanada Xoolaha Puntland ee (PULPA).

Waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Ururka PULPA Dr Faarax Mahad Faarax, Gudoomiyaha Dalladda PUNSAA Dr Faysal Qaran,Masuul ka socda Hay,adda FAO Dr Abshir Siciid Yuusuf,waxaana furay tababarka Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland Dr Nuur Axmed Yuusuf.

Gudoomiyaha Ururka PULPA Dr Faarax Mahad Faarax ayaa sheegay in Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowlada Puntland ay saldhig u ahayd in la sameeyo ururka xirfadlayaasha xanaanada xoolaha ee PULPA islamarkaana la bixiyo tababaro ceynkaan oo kale ah, Isagoona faray kasoo qeybagalayaasha tababarka la siinayo inay uga faa,iideeyaan casharada lagu bixinayo sidii ay ugu daaweyn lahaayeen xoolaha ku nool Degmooyinka iyo Tuulooyinka ay ka yimaadeen.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Dr Nuur Axmed Yuusuf oo furay Tababarka ayaa sheegay inaanu ahayn markii ugu horeysay oo tababar noocaan ah la siinayo daryeelayaal caafimaadka xoolaha wuxuuna sheegay in tan lagu xoojinayo tababaro iyo casharo horey loo siiyay dadka loo qabanayo maanta.

Ururka PULPA ayaa la asaasay sanadkii 2000 waxaana ku midoobay dhamaan dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ee Puntland kuwa Private-ka iyo kuwa u shaqeeya Dowlada, waana ururka kaliya oo ay  aqoonsan tahay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha islamarkaana haysta fulinta shaqooyinka iyo mashaariicda xoolaha ee Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST