Raadraaca keydka goobta loogu magac-darey dhismihii Puntland

DAREY TALO HEL waxay ahayd goob loogu magac darey sanadkii 1993-dii shirkii 1aad oo lagu hindisay dhismihii maamulka Puntland ka dib markay Reer Nugaaleed u dhigeen gogoshii martigalinta ergedii iyo wafuudii ka yimid Gobolladda durdurka lagu magacaabo Dareyle ee ku yaala duleedka Garowe oo ahaa goobtii uu ka qabsoomay shirkii ugu horeeyay oo la iskula garto dhismaha maamulka Puntland.

PUNTLAND POST ayaa heshay muuqaal kooban oo ay ka hadlayaan dad tiro yar oo ka mid ah Asaasayaashii maamulka Puntland kuwaas oo ay ka mid yihiin ragga ka hadlaya muuqaalkaGeneral Maxamed Abshir Hammaan oo xilligaas ahaa Gudoomiyihii Jamhaddii SSDF, Senetar Cabdiraxmaan Faroole oo isna xilligaas ahaa Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, Issimo uu ka mid yahay AUN Islaan Maxamed Islaan Muuse oo xilligaas ahaa Gudooyihii shir gudoonka dhismaha Puntland iyo Abwaanka caanka ah Cabdulqaadir Cabdi Shube.

Sidoo kale wariyaha xiriirinaya ama soo tabinaya warbixinta kooban ee ka hadlaysa shirkii ugu horeeyey ee lagu hindiso dhismaha maamulka Puntland waxa lagu sheegay inuu yahay Siyaasi Cabdi Waranjaan oo hadda ku nool magaalada Garowe.

Haddaba DAAWO muuqaalkaan oo ay ku duugan tahay taariikh xusuus badan oo ah shirkii 1aad sanadkii 1993-diiĀ  dhismihii Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST